Sections
Iska horimaad qasaare geystay oo xadka gobolada Hiiraan iyo G/gaduud ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Al-Shabaab iyo Ahlu sunna waljameeca
21/08/11aqri
Dagaalo culus oo qasaare nafeed geystay ayaa saaka ka dhacay deegaanka Bukuraa oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka hiiraan kana mid ah deegaanada ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kaasoo dhexmaray ciidamo kala taabacsan Xarakada Al-shabaab iyo ahlu suna waljameeca.
Warar laga helayo dad ku sugan deegaanka Bukuraa ayaa sheegaya in dagaaalku uu bilowday markii ay fooda isdareen ciidamo ka tirsan ahlu suna ay oo ku sugnaa meel ku dhow deegaanka Bukuraa ay weerar ku qaadeen ciidamada Al-shabaab oo deegaankaasi ka waday howlgalo milatari, waxaana halkaas ka bilowday dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan oo ay ku jiraan madaafiic hoobiyeyaal ah.
Ugu yaraan todoba ruux oo ka tirsan labada dhinac ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaalkaas halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalkaas maxaabiis nool lagu kala qabsaday inastoo uusan jirin warar ay dagaalkaas ka yiraahdeen saraakiisha ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa ahlu suna Waljameeca ee maanta ku dagaalamay deegaanka ku yaala xadka gobolada Galgadauud iyo Hiiraan.
Xaalada deegaanka Bukuraa ee maanta dagaaladu ay ka dhaceen ayaa degan inkastoo ciidamada labada dhinac ee Xarakada Al-shabaab iyo ahlu suna waljameeca ay isku hor fadhiyaan deegaankaas, lagana dareemayo xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sababi kara in mar kale ay halkaas ka dhacaan dagaalo, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ku dhaqnaa ay bilaabeen iney isaga barakacayaan guryihii at ku noolaayeen cabsi soo wajahaday awgeed.



Most Sincerely, Mr & Mrs Kloth
Post your comment