Sections
Maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lacago ku soo rogay Diyaaradaha gargaarka ee soo gaaraya Muqdisho.
24/08/11 sii aqri
Xili dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro iyo macluul daran oo dadka iyo duunyada u dhammaanayaan isla markaana dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kuwa ay ku danbeyso damiirka bani’aadanimo ay bilaabeen in ay u soo gurmadaan Dalka Soomaaliya ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan in Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho lacago adag dul dhigeen in ay bixiyaan diyaaradahaasi gargaarka is daba jooga ah u sida shacabka Soomaaliyeed ee ku jira Xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho.
Ilaha warkan ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo rogeen Diyaaradaha yar yar ee gargaarka sida in ay bixiyaan lacago aan wali la shaacin cadadkeeda laakiin u muuqata mid aad u fara badan, kuna amreen inay bixiyaan diyaaradaha gargaarka taasoo u muuqata mid caqabad ku ah howlaha gargaarka bani’aadanimo.
Wararka waxay sheegayaan in mid ka mid ah diyaaradaha gargaarka sida maamulka Garoonaka Diyaaradaha ku amreen in ay bixiso lacag dhan $2000-kun Dollarka Mareykanka ah, hase yeeshee ay diideen in ay bixiyaan lacagahaasi mas’uuliyiintii la socday diyaaradaasi gargaarka kala duwan u siday shacabka Soomaaliyeed ee baahida iyo haraadka ugu dhimanaya xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho.
Muran soo kala dhex galay mas’uuliyiinta diyaarada siday iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee baxshay amarka in la bixiyo lacagahaasi faraha badan ayaa sababtay in la xiro xubnihii diyaarada waday, laakiin markii danbe arrintu soo dhex galay Shariif Sheekh Axmed oo xiligaasi ku howlanaa safar dhanka Imaaraadka Carabta kuna sugnaa garoonka, waxa uuna bixiyey amar ah in la sii daayo mas’uulka ay xireen Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii talaabadan foosha xun oo ay qaadeen maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili madaxda dowladda KMG soomaaliya ay si cad u shaaciyeen in aan wax Canshuur ah laga qaadi Karin diyaaradaha sida shixnadaha kala duwan ee gargaarka, iyadoo aan la ogayn lacagahasi sida ay ka yeeli lahaayeen mas’uuliyiintaasi u muuqda kuwo cuuryaaminaya howlaha samafalka ka socda Muqdisho.



Most Sincerely, Mr & Mrs Kloth
Cholo
www.0y7.net
Post your comment