Sections
Bannaanbaxyo lagu taageerayo ka bixitaanki Al-shabaab ee Muqdisho oo maanta ka dhacay Magalada Muqdisho
24/08/11Sii aqri
Bannaanbax loogu magacdaray - Maalinta Xoreynta Muqdisho - oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda Cagta ee Koonis Istaadiyum iyadoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan DKMG ah oo ay ka mid ahaayeen ra'isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.
Dibadbaxa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; dadweyne, arday, fannaaniin, barbaarta gaashaaman, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu noqonayaa dibadbaxii ugu horreeyay uguna ballaarnaa ee ka dhaca degmooyinka Muqdisho ee ay horrantii bishan ka baxday Xarakada Al-shaabab.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo dadweynihii isku soo baxay la hadlay ayaa sheegay in guushan ay tahay mid aad loogu farxo isagoo xusay inay ku timid dadaal badan oo la bixiyay, wuxuuna sheegay inuu uga mahadcelinayo ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane C/weli Gaas wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qaybgalo dibadbaxan, isagoo ku baaqay in shacabku ay adkeeyaan ammaanka isla markaana wax walba oo ammaanka wax u dhimaya laga hortago.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xukuumadda KMG ah ay sii wadayso dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab inta ay dalka oo dhan ka saarayaan, wuxuuna sidoo kale sheegay inay la dagaalamayaan kuwa doonaya inay dhacaan mucaawinada loogu talogalay dadka masaakiinta ah ee dhibaateysan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Tarzan oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ammaanka uu ku xiran yahay shacabka, balse uusan ahayn mid ay keenayaan ciidamo shisheeye iyo ciidamada dowladda midna.
"Shacabka ayaa laga doonayaa inay ammaanka deegaannadooda adkeeyaan," ayuu yiri mudane Tarzan oo sheegay isagoo shacabka la hadlayay in kuwii horay uga barakiciyay deegaannadooda ay doonayaan inay iyagoo shaar qabiil wata ay mar kale carqalado ku furaan, wuxuuna ugu baaqay inay ka digtoonaadaan, balse ma uusan sheegin magacyada dadka uu tilmaamay.
Fannaaniinta iyo barbaarta gaashaaman ayaa heeso iyo shiribyo kusoo bandhigay halka uu dibadbaxu ka socday, waxaana sidoo buraanburro ka qaadayay haweenka degmooyinka gobolka Banaadir oo ka qaybgalayay dibadbaxa.
Degmada C/casiis ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay todobaadyadan la wareegeen ciidamada DKMG ah, iyadoo uu ka muuqdo burbur xooggan oo kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay Muqdisho.





Their reputation was that of weng girls who have replica handbags out looking for a fight wtheyh rumours of flick knives.
Thwere was following riots of a mainly teddy boy teenage audience in London cinemas after viewing the US film 'Blackboard Jungle'.
Cholo
www.0y7.net
comprised of an excellent useful connection which will afflicted me with a a lot of knowledge about this kind of change lives.
Post your comment