Sections
Dowladda KMG iyo Al-shabaab oo qarka u saaran in ay mar kale ku dagaalamaan Buusaar.
25/08/11 sii aqri
Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa sheegay in halkaasi ay saakay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ka wadaan Ciidamada Dowladda KMG soomaaliya oo ay dhinac sodaan Maleeshiyada Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidamada Al-shabaab.
Dadka deegaanka waxaa soo wajahday xaalado cabsi ah kadib markii Ciidamada dhinacyadaasi oo hubka dhinacyadiisa kala duwan ku hubaysan ay bilaabeen abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo xoogan, taasoo sababtay in dadka qaarkood ay barakacaan halka kuwa yarna xaalado cabsi iyo wal wal ku sugan yihiin deegaanka Buusaar.
Sarkaal u hadlay Dowladda KMG soomaaliya ayaa sheegay in saacadaha soo socda gudaha u galayaan deegaanka Buusaar si buu yiri kaga sifeyno dagaal yahanada Xaarakada alshabaab.
Dhanka Xarakada Alshabaab kama hadlin xaalada cabsida ah iyo abaabulka iska soo horjeeda ee ka socda duleedka deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, hase dhinacyadaasi waxay qarka u saaran yihiin in ay dagaalamaan.
Ugu danbeyntii waxaa naga xasuusin ah in maalintii shalay degmada Baardheere Xarakada Alshabaab ku soo bandhigtay 6 gaari oo kala ah 2-Tikniko, 4- kuwa daabula Sahayda oo ay saarnayeen raashiin iyo Rasaas ay kala wareegeen Dowladda KMG soomaaliya kadib dagaal faraha looga gubtay oo sababay dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan dhawaan deegaanka Buusaar ku dhex maray Dhinacyadaasi



Post your comment