Sections
alshabaab oo ka guureysa galguduud
read more
warar xoog ogaal ah oo ay heshay shabakadda ceelbuurstate ayaa waxay xaqiijinayaan in ccidamada alshabaab ay ka soo baxayaan gobolka galguduud gaar ahaan kuwa soo jeeda Bay iyo Bakool ee ka amar qata hogaamiye diimeedka abuu mansuur roobow.
abuu mansuur roobow ayaa maalmahan waxaa xifaaltan xagga siyaasadda ah uu kala dhaxeeyey hogaamihiisa sare ee alshabaab shiikh axmed godane.
sida la xaqiijiyey ciidamada mukhtaar roobow ayaa hadda isku uruursanaya meel duleedka ceelbuur ah oo ay ku xoolo qasheen maalinti ciidda
iyagoo dadka degaankana kala kulmay iska caabin aan horay loogala hor imaan.
mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa noo sheegay in degaalyahanadan aysan helin maalmahan wax taageero milatari ama dhaqaalo ah ilaa mudadii khilaafku soo kala dhex galay madaxda sare ee alshabaab oo ka mid yahay Mukhtaar Roobow oo ay ka amar qaataan intooda badan.
hadaba la arki doonee meesha ay ku biya shubtaan marka ay ka soo baxaan gobolka galguduud.
wariyaha ceelbuurstate
ceeldheer galguduud



Post your comment