Sections
Maamulka ceelbuur state oo xaflad qalin jabin ah ugu qabtay 26 arday magaalada Khartoum
10/09/11 sii aqri
Xaflad si baalaran loo soo agaasimay oo qalin jabin ah ayaa waxa ay maamul goboleedka ceelbuur state ugu qabteen magaalada Khartoum ee caasimada dalka sudan

Xafladan oo ay ku qalin jabinyeen ku dhawaad 30 arday oo isugu jira arday ka qalin jabisay digrii iyo mastar ayaa waxa kazoo qayb galay boqolaal dadwayne ah oo ka kala socday dhinacyo kala duwan.
Munaasabaas oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa ka mid ahaa C/qaadir Nuur geedi oo ah mudanayaasha xafladaasi kasoo qeyb galay ayaa waxa uuna hadalkiisa diirada ku saaray dhanka waxbarashada waxa uuna la dardaarmay dhamaan dadka qalin jabiyay iyo kuwa sanadka danbe qalin jabin doona 
sidoo kale C/qaadir nuur waxa uu ku booriyay ardayda qalin jabiyay in ay mar waliba alle ka cabsadaan si ay aqoontooda ugu meel maraan.
Cabdi qaadir geedi ayaa ugu baaqay arday qalin jabisay in ay wax ugu qabtaan dhamaan soomalida meel walbo oo ay joogaan iyo iyo meel walba oo ay kasoo jeedaan ee aan loo fiirin arimo qabiil iyo wax lamid ah.
Sidoo kale waxaa qadka Tellephon-ka uga qeyb-qaatay xafladda Madaxweynaha Ceelbuur State Mudane C/llahi Maalin "Aasbaro" waxa uu isaguna la dardaarmay dhamaan dadka isugu yimid xafladaasi isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay in ay ardaydaasi kusii daraan jaamacadda si ay usii kordhiyaan aqoontooda heerka jaamacadeed ah.
madaxweynaha Ceelbuur State ayaa markii ugu horeysay qadka kala kulmay ardayda kazoo jeeda maamuka uu isaga madaxwanaha ka yahay iyadoo jiraan in inta badan siyaabo kala duwan u xiriiri jireen hadana waxa uu madaxweynaha door-biday in uu habeenkaasi la qeybsado farxada ardayda qalan jabisay
madaxwaynaha ayaa sidoo kale umahadnaqay dhalin yaradii habeen iyo maalin u istaagtay in ay qabtaan xafladaan aadka u qiimaha badan.
Ugu dambeentii madaxwaynaha ceel buur state mudane Cabdilaahi Xuseen maalin (Asbaro) ayaa u balan qaday in uu habeen iyo maalin u istaagi doono sidii uu wax ugu qaban lahaa ardaydan qalin jabisay oo shaqo loogu radin lahaa.
Eng: Xasan Maxamed Cali oo ku magic dheer Garcis oo saxaafada la hadlayay ka dib markii ay xaflada soo dhamaatay ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay habenkan caawa ah in uu soo gaba gabeeyo waxbarshadiisii heerkeedii koowaad .
Eng; Xasan ayaa waxa uu sheegay in uu isaga uu balan qadayo in uu wadanka wax ugu qabto taqasuskiisa oo ah Engineerin waliba qaybta korontada uuna wadanka xiligan u baahan yahay
Xafladan ayaa waxa ay kuso dhamaatay si heer sare ah oo aan wax dhibaato ah ka dhicin



Daily Guide
www.0y7.net
Myka
www.n8fan.net
Good Reference
Post your comment