Sections
maxaa looga hadlayaa shirka garoowe?
Marka laga hadlayo shir waxaa loo baahan yahay inuu lahado laba qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah in la yaqaan dadka shirka ka soo qeybgalaya iyo ajendaha shirka looga hadlayo,hadaba shirka garoowe lama yaqaan dadka ka qeybgalaya iyo cidda ay matalaan toona lamana yaqaan ajendaha shirka looga hadlayo.
waxaa shirkaas ka qeybgalaya maamulo lagu qasbay iney tagaan hadii akel dhaqaalaha la siiyo laga jari doono,iyo xildhibaanada baarlamaanka qaarkood kala shakisan oo khilaaf uu u dhexeeyo.
Hadaba jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa oo isu keentay dadkaas ayaa laga sugayaa sidi ay uga gadi laheyd ummadda soomaaliyeed go'aanada ka soo baxo shirkaas ee aan lagala tashan ummadda iyo cid matasha toona.
Hogaamiyaasha dhaqanka,maamulada wadanka ka jira haweenka iyo culumaa'udiinka ayaana cidna laga casumin shirkaas, hadaba la arki doonee halka la geeyo go'aanada ka soo bixi doona shirkaas.



Daily Guide
www.0y7.net
Post your comment