Sections
beesha karanle ee wadanka keenya oo doortay gudiyo iyo maamul ku meel gaar ah
Munaasabad Ballaaran oo ka dhacday Hotelka Weyn ee Grand Royal ee ku yaalla Magaalada Nairobi ayaa looga dhawaaqay Maamul ay sameesteen dhalinyarada beesha Karanle eek u nool Wadanka Kenya.
Ururkan ay ku mideesan yihiin dhamaan Dhalinyarada Beesha Karanle eek u Nool Wadanka Kenya ayaa Waxa uu ka shaqeyn doonaaa isku xirka, iska warqabka iyo mideynta Dhalinyarada beesha Karanle.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan dhalinyrada beesha ku abtirsata eek u nool Nairobi, Ganacsato iyo wax garad ka tirsan Beesha oo ku Sugan Caasimadda Kenya ee Nairobi.
Ugu horeyn waxaa Munaasabaddan ka hadlay Afhayeenka Guddiga Kumeel gaarka ah ee Ururkan Axmed Ciise Faarax Kaariye oo isagu sharraxaad ka bixiyay Ujeedadii iyo sababtii ka dambeesay in Xilligaan la sameeyo Urur ay ku mideesan yihiin Dhalinyarada beesha Karanle.
Waxa uu sheegay Axmed, in markii la arkay sida ay u kala daadsan yihiin dhalinyarada beesha ee ku Nool Kenya, iyo sida loogu baahan yahay Xilligaan in la helo Midnimo iyo isku xernaan Dhalinyarada ah, ay u istaageen in ay sameeyaan Ururkaan.
C/salaan Xasan Daa’uud oo ah Xoghayaha Guddiga KMG ah ee Ururkaan ayaa isagana Sii adkeeyay Muhimadda ay leedahay in Maamul ay ku mideesan yihiin ay Sameestaan Ummad kasta oo aduunka ku nool, waxa uuna intaas ku daray in Lagama maarmaan ay noqotay in la Mideeyo dhalinyarada Beesha Karanle ee Kenya si ay Wax isku taraan Dadka kalena ay wax ula qeybsadaan.
Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Ururkaan C/xamiid macallin Aadan oo qudbad dheer oo qiiro leh ka jeediyay Munaasabadda ayaa ku dheeraaday Faa’iidada ay leedahay in la midoobo, isla markaana la is Caawiyo.
“Ururkaan waxa uu ku dhisan yahay ama Asal u ah Hor marinta, iska Warqabka iyo Wada Xiriirka Dhinac Walba sida (Dhaqanka, Caafimaadka, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda) ee Dhalinyarada Beesha Karanle ee Ku nool Kenya.” Ayuu yiri Gudoomiye C/Xamiid.
Waxa uu ugu baaqay Dhamaan Dhalinyarada in ay ka qeyb qaataan Horumarinta iyo iscaawinaadda dhexdooda ah, isagoo sidoo kale Farriin u diray dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Beesha Karanle eek u nool Daafaha Caalamka in ay Midoobaan, isla markaana ay is gacan qabtaan Xilligaan adag ee lagu jiro.
Waxa uu Gudoomiyahu Caddeeyay in Ururkaan uusan wax Shaqo ama LUG ah uusan ku laheyn Siyaasadaha is Diidan ee wadanka, waxa uuna tibaaxay in uu yahay Urur Bulsho oo u taagan Hormarinta iyo Midnimada Bulshada uu ku abtirsado.
Safiyo Cusmaan oo ah Gudoomiye Ku Xigeen ururkaan isla markaana ka mid aheyd Dadkii ay Fikraddan Midnimada Dhalinyarada ah keenay ayaa ku boorisay Dhalinyrada in ay wax qabsadaan oo ay si Wada jir ah isaga qarqabaan meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku Nool Kenya.
Sidoo Kale Waxaa Munaasabadda ka hadlay Madaxa Xiriirka Caalamiga ah ee Ururka Mahad Sh Cali Cibaar iyo Madaxa Maaliyadda Cali Cabdi Qaadir Maxa’ud (Cali Carab) Waxa ayna dhamaantood Muujiyeen in ay wax walba ka Muhimsan tahay Midnimo iyo Isku Xernaan.
Waxaa sidoo Kale Goobta ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatadii kasoo qeyb gashay Munaasabaddan, iyagoo ku booriyay Dhalinyarada in ay horey usii qaadaan Tallaabooyinka wanaagsan oo Nuucaan oo kale ah.
Guud ahaan Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay Barnaamijkaan oo Fikradahooda Muujiyay ayaa si isku mid ah u ballan qaaday in ay isku xernaan doonaan isla markaana ay ka shaqeyn doonaan Iska Warqabka iyo is Caawinaadda dhexdooda ah.
Waa Marki ugu Horeesay oo ay yeeshaan Urur ay ku mideesan yihiin dhalinyarada Beesha Karanle ee ku Nool Kenya, iyadoo



Thin straight tie and possibly suede handbadgs for wenger girls who have replica handbags, however another weth fashion stream called 'Teddy boys' were always associated wtheyh the fifties, named after the Edwardian (Ted) style jackets that they wore.
Typically teddy boys dressed in drainpipe trousers, beetle crusher handbadgs wtheyh fluorescent pink replica handbadgs and DA haircuts.
Daily Guide
www.0y7.net
Post your comment