Sections
jaaliyadda Karanle ee magaalada London oo dooratay maamul cusub
shir dhawaan lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee ka kooban tahay jaaliyadda Karanle ayaa looga hadlay sidi loo dooran lahaa maamul ay yeelato jaaliyaddu.
shirkaas oo muddo badan loo ballansanaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyihi hore ee beesha mudane Cumar Xaaji Xasan Gardheer iyo gudoomiyaha golaha marjaca ee beesha mudane Badri Xeyle Cabdi Bariise oo labaduba aad uga hadlay wax qabadkii gudiyadaas ay madaxda u ahaayeen iyo caqabadihii ay la kulmeen mudadi ay xilkaas u haayeen beesha.
shirka oo lagu dooranayey maamul cusub oo badala maamulki horay u jiray oo uu waqtigiisu dhamaaday ayaa waxaa ugu horeynba gudigi qabanqaabada magacoodu waxaa ku hadlay Cabdulqaadir Shiikh Cali 'shukry' oo ka war bixiyey heerarka uu soo maray shirkaas iyo sida looga taageeray magaalada London,sidoo kale waxa iyagana ka hadlay aqoonyahanno indheer garad iyo haween matalayey bulsho weynta karanle.
dadlka goobtaas ka hadlayna waxaa ka mid ahaa eng axmednuur muqtaar oodoote,marwo Maryan maxamed jimcaale.marwo Farxiyo falfaloos iyo nabadoon Xasan foodcadde.
ugu danbeyn waxaa xilkii iska wareejiyey gudoomiyhii hore iyo gudoomiyaha marjaca kuna wareejiyey Cali Xaaji Maxamed Guuleed oo isagu ahaa qofka u da'da weyn oo shirkaas joogay,ka dibna waxaa la galay doorashada maamulki cusbaa oo muddo dheer qaatay.
Hadaba waxaa loo doortay xilkaas inuu gudoomiye u noqdo beesha karanle ee magaalada London suldaan Maxamed xuseen wardheere oo xilkiina uu ku sii wareejiyey mudane Cali Xaaji oo haa odayga shirka.
sidoo kale waxaa la doortay gudiyadi la shaqeyn lahaa gudoomiyaha oo ka kooban rag iyo dumar iyadoo dhawaanna la qaban doono xaflad lagu dhaarinayo xubnaha xilalkaas loo doortay iyo gudoomiyahoodaba.
ugu danbeyn waxaa goobti shirka ka hadlay gudoomiyaha cusub mydane Maxamed Xuseen oo ku dheeraaday hawlaha hor yaala maamulkiisa iyo sida uu wax uga qaban doono.
wariyaha ceelbuurstate.com ee magaalada London
ceelbuurstate@gmail.com



Post your comment