Sections
DKMG AH OO QABSATAY BALEDWEYENE IYO CIIDAMADA SHABAAB OO KA WADA BAXAYA GOBOLADA HIIRAAN IYO GALGUDUUD
ciidamada DKMG oo garbsanaya kuwa ahlusuna iyo ciidamo yar oo itoobiyaan ah ayaa saakay ku ruuqaansaday magaalada baledeweyne oo ay awalba kaabiga u joogeen.
wararka laga helaayo degaanadaas ayaa sheegaya in Alshabaab ay isaga baxdey degmada Beledweyne isla markaana ay qorsheynayaan iney ka wada baxaan degaanada Galguduud iyo Hiiraan oo dhan maadaama aysan awood u laheyn iney iska difaacaan ciidamda DKMG iyo iyo kuwa Ahlusunna oo soo garabsanaya taangiyo iyo diyaarado ay leeyihiin kuwa itoobiya.
warar lagu kalsoon yahay oo shabakadda Ceelbuur state ay ka heshay degaandaas ayaa sheegaya in Alshabaab ay ka alaab uruursaneyso dhamaan degaanadaas si ay difaacooda u geeyaan gobolada koonfurta soomaaliya.
madaxda maamulada gobolada dhexe ayaa dhawaan ku heshiiyey iney meel uga soo wada jeestaan khatarta ay alshabaab ku heyso degaanadooda.
weriyaha celbuurstate ee hiiraan



Post your comment