Sections
Madaxweynaha Ceelbuur State iyo Wax Garadka Maamulkaas oo Nairobi kulan Ballaaran ku yeeshay (Daawo Sawirada)
06/09/11 sii aqri


Iyadoo uu booqasho ku joogo Magaalada Nairobi ee Caasimadda wadankan Kenya, Madaxweynaha Maamul goboleedka Ceelbuur State Mudane C/llaahi Maalin Aasbaro, ayaa waxa uu Kulan Ballaaran la yeeshay Wax garadka, Haweenka, Aqoonyahannada, Dhalinyarada, Ganacsatada iyo Culumaa'udiinka kasoo jeeda goobaha uu ka Taliyo Maamulkan.
Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Nairobi, ayaa waxaa looga Arinsanaayay Qaabka iyo Hannaanka uu ku socda Dhisidda iyo Dhameestirka Maamul goboleedkan Cusub, iyo sidii ay Labada dhinac isaga kaashan lahaayeen Horumarinta Maamulkaan.

Waxaa Kulanka ka hadlay Ugaaska beesha Karankan, Ugaas Cusmaan Cabdulle Ugaas, oo ku dheeraaday, sida loogu baahan yahay in si wada jir ah loo taageero oo loo garab istaago Maamul goboleedkan uu madaxweynaha ka yahay Mudane Aasbaro.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Kulankaan, oo dhinaca Haweenka u Matalay, Maamo Caasho Dilixow Jimcaale iyo Sahro Shaakirow, kuwaas oo Muujiyay sida Haweenka reer Nairobi ay ugu diyaar garoobeen Taageeridda Maamulkan, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay Mid loo baahnaa oo laga soo daahay.
Axmed Nuur Xasan Cabdille oo ka mid ah Ganacsatada iyo Dhalinyarada reer Nairobi ayaa isna dhankiisa sheegay in Maamulkaan uu yahay kan dhabta ah oo loo baahan yahay in dhinac kasta laga taageero si uu u mira dhalo.

Dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeyb galay Kulankaan, ayaa dhamaantood muujiyay in loo baahan yahay, in la garab istaago Maamulkaan oo si buuxda loo taageero.
Madaxweynaha Ceelbuur State Mudane C/llaahi Maalin Aasbaro oo isaguna la hadlay dadka kasoo qeybgalay Kulankaan, ayaa ka codsaday in si Hagar la'aan ah loo Taageero Maamulkaan uu Madaxda ka yahay balse ka wada dhaxeeya iyaga dhan.
Waxa uu sheegay in uu goor dhow booqasho ku tagi doono Magaalada Ceelbuur iyo Caasimadda Muqdisho, si uu usoo qiimeeyo Xaaladda dadka uu Madaxda u yahay ay ku noolyihiin Xilligaan adag oo Wadanka oo idil ay ka jirto Abaar Xoog badan.

Waxa uu intaas ku daray, in Maamulkaan uu yahay kii Mideyn lahaa dhamaan dadka uu ka dhaxeeyo, isla Markaana ay uga bixi lahaayeen dhibaatada iyo Maamul la'aanta, waxa uuna ka codsaday dhamaan Dadka uu ka dhaxeeyo Maamulkaan, in ay si buuxda u taageeraan, maadaama uu yahay Maamul ka wada dhaxeeyo.

Kulankaan ayaa yimid, kadib Kulamo gooni-gooni ah oo uu Madaxwyuhu la yeelanaayay Maalmihii u dambeeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada uu Matalo Maamulkaan ee ku Nool wadankan Kenya.

Guud ahaan Kulanka, ayaa kusoo dhamaaday Jawwi is afgarad iyo Wanaag leh, waxaana lagu ballamay in la qabto Xaladii ugu weyneed oo lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha maalmaha soo socda, taas oo ay kasoo qeyb gali doonaan dhamaan siyaasiyiinta iyo Madaxda soomaaliyeed ee ku Nool Nairobi.






Most Sincerely, Mr & Mrs Kloth
Post your comment