Sections
Madaxweynaha Ceelbuur State oo ka qeyb galay Shir looga Hadlaayay “Sidii loo Mideyn lahaa Maamul Goboleedyada Dalka iyo Ansixinta Dastuurka Qabyada”.
sii aqri 09/09/11
Madaxweynah Ceelbuur State Mudane C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ka qeyb galay Shir Maanta ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Qaramada Midoobe u qaablisan Arimaha Soomaaliya UNPOS.
Shirkaan ayaa looga hadlaayay Qaabka ugu Macquulsan ee loo ansixin karo Dastuurka Cusub ee Qabyo Qoraalka ah, iyo sidii loo Mideyn lahaa Maamul Goboleedyada Tirada badan ee Dibadaha lagus oo dhisay.
Waxaa Shirkaan ka qeyb galay Wasiirro ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Dasturka, qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Dalka, sida Hiiraan State, Ceelbuur State iyo kuwo kale oo ka socday Jubbooyinka.
Waxaa Shir Gudoominaayay Ku xigeenka Amp. Mahiga oo ah U qaabilsanaha Arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe.
Waxaa laga wada hadlay sidii Maamul goboleedyada sida ay isgu dhowyihiin la isugu Mideyn lahaa, maadaama Dastuurka Qabyada ah uu dhigaayo in Maamul Goboleed la dhihi Karo ugu Yaraan 2 Gobol oo isku Tagtay.
Sidoo Kale Waxaa laga wada hadlay Qaabkii ay Dadweynaha Soomaaliyeed u aqrisan Lahaayeen Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub ee Soomaaliya, kaas oo lagu Wado in ugu Dambeyn Cod loo qaado.
Shirkaan oo Hal Maalin ahaa ayaa kusoo dhamaaday Jawi is AFgarad leh.



Dexter
www.vssm.org
Most Sincerely, Mr & Mrs Kloth
Claire
www.imarksweb.net
Marks Web
gen
commenter
www.tulleeho.org
Post your comment