Sections
Saraakiil caan ah kana tirsan ururka Al-Shabaab oo lagu wado in dhowaan ay ku soo biiraan Dowladda KMG ah
24/08/11 sii aqri
Warar lagu kalsoon yahay oo ka soo baxaya qorshe si xowli leh ku socda laguna doonayo in saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab loogu biiriyo Dowladda KMG ah ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, iyadoo xubno iyo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda, Shabaab iyo shaqsiyaad gacan-saar la leh labada dhinac ay isaga dab qaadayaan madax ka tirsan Dowladda iyo saraakiisha Shabaab ee iyagu sameynaya isbedel siyaasadeed oo ka duwan midkoodii hore.
Xubnaha ku lugta leh Saraakiisha Shabaab ee Dowladda ku biiraya waxaa ka mid ah: C/llaahi Shirwac, Horjoogayaal ka soo goostay ururka Al-Shabaab, Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale, xubno ka tirsan qurba-joogta Soomaalida dibadda iyo xubno ka tirsan Dowladda iyo saraakiisha Shabaab, waxaana dadaaladaasi oo bilowday laba toddobaad kahor la sheegayaa inay iminka marayaan heer gabagabo ah.
Kulamo qarsoodi ah oo dhowr goor dhex maray xubnaha magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo kala gooni gooni ah, kuwaasi oo dhex maray dhinacyada Dowladda iyo saraakiisha Shabaab oo la kala kulmeen xubnaha isaga dab qaadaya ee iyagu doonaya in xaajada si hoose loo dhameeyo isla markaana aan la shaacin qaabka ay howlahaani ku dhacayaan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Shabaab ee lagu wado inay Dowladda ku biiraan ayaa la sheegayaa inay yihiin saraakiil sare oo dhowaan ciidamadooda kala baxay magaalada Muqdisho una horeeyo Muqtaar Roobow Cali "Abuu Mansuur", Madaxa Shabaab u qaabilsan gobolka Sh/hoose Maxamed Abuu Cabdalla, laba sarkaal sarsare oo magacyadooda aan weli na soo gaarin iyo horjoogayaal tiradoodu gaareyso ilaa shan horjooge, kuwaasi oo iyagu hoggaaminayay maleeshiyaadka Shabaabka ee ka dagaalada ka waday magaalada Muqdisho, balse ciidamadooda kala baxay Muqdisho.
Dhinaca kale qorshahaan ayaa la sheegayaa in meel marintiisa ay kahor yimaadeen caqabado la xariira in dhinacyada Dowladda iyo saraakiisha Shabaab ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka qorshahaasi lagu hirgelinayo, iyadoo dhinaca saraakiisha ay shuruudo dhowr ah ku xireen ku biiritaankooda Dowladda, waxaana caqabadahaasi ka mid ah meeleynta maleeshiyaadkii ay hoggaaminayeen saraakiishaasi iyo horjoogayaasha ururka Shabaab ka tirsan.



Most Sincerely, Mr & Mrs Kloth
they was however the 'New Look' silhouette released by Chrweretian Dior in 1947 that seemed to set the style achievegirls who have replica handbags for the decade of the 1950s.
Thwere look emphasized everything feminine and conswereted of the classic hourglass shape as we would think of they today wtheyh many touches of luxury.
Daily Guide
www.0y7.net
Post your comment